Somali Industrial Expo

  • Home
  • Somali Industrial Expo

Somali Industrial Expo Somalia’s 3rd Local Industrial Exhibition: Promoting National Products and Innovation

🎉Hambalyo Ardaydeenna Wanaagsan!🎉  Inagoo kaashaneyna warshadda kartroonada Sompack Industry oo hormuud u ah soo-saarka ...
23/11/2024

🎉Hambalyo Ardaydeenna Wanaagsan!🎉

Inagoo kaashaneyna warshadda kartroonada Sompack Industry oo hormuud u ah soo-saarka baakadaha Mogadishu tan iyo 2001 waxay fursad tababar 2 bilood ah siisay laba arday oo heer sare ah oo ka tirsan waaxda Injineeriyada Mashiinada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

1. Daahir Cusmaan Maxamuud
🎓 Injineeriyada Mashiinada, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

2. Cabdijamaal Macalin Cabduwahaab
🎓 Injineeriyada Mashiinada, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Iskaashigan ayaa muujinaya sida aan uga go’an tahay taageeridda dhallinyarada Soomaaliyeed, horumarinta hal-abuurka, iyo dhiirrigelinta xirfadaha warshadaha. Waxaan ku faraxsanahay inaan door ka qaadanno kobcinta mustaqbalka injineerrada Soomaaliyeed.

📦 Sompack Industry & 🤝 Bandhigga Warshadaha Soomaaliyeed oo si Wadajir uga Shaqaynaya Kobaca, Hal-abuurka, iyo Horumarka!

20/11/2024

Goos Gooska Dooda 2aad ee Bandhigga Warshadaha Soomaaliyeed 2024

Cinwaanka: “Dib-u-dhiska Waaxda Warshadaha Soomaaliya: Arrimaha Horumarinta Waara iyo Kobaca Maalgashiga Soomaaliya”

Waxaa dooda 2aad ka qeyb galaya:
• Cabduqadir Muuse Xashi – Agaasimaha Guud ee Warshadda Jaziira Foam
• Cabdikariim Maxamed – Aasaasaha iyo Maamulaha Hadiid Industries Group
• Cabdullaahi Cusmaan Cali – Guddoomiyaha Xarunta Cilmi-baarista Warshadaha & La-taliyaha Hay’adda Tayo Dhowrka

Ku soo biir dood muhiim ah oo lagu lafaguraayo dib-u-dhiska waaxda warshadaha Soomaaliya, iyadoo la diiradda saaraayo horumarinta waara, maalgashiga gudaha, iyo kobcinta wax-soo-saarka maxalliga ah.





🚀 Waxaan Taageereynaa Jiilka Injineerada Mustaqbalka! 🌟Waxaan ku faraxsanahay inaan shaaca ka qaadno in Warshadda Jaziir...
20/11/2024

🚀 Waxaan Taageereynaa Jiilka Injineerada Mustaqbalka! 🌟

Waxaan ku faraxsanahay inaan shaaca ka qaadno in Warshadda Jaziira Foam ay tababar gaar ah siisay Mr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Hiraabe, oo ah arday firfircoon ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Kuliyadda Injineeriyadda Makaanikada.

Iskaashigan wuxuu muujinayaa sida aan uga go’an tahay dhiirrigelinta aqoonta maxalliga ah iyo maalgelinta mustaqbalka warshadaha Soomaaliya. Wadajir ayaan u dhiseynaa aasaaska hal-abuurka iyo horumarka warshadaha dalka.

👏 Nagu soo biir oo hambalyee Cabdiraxmaan safarkiisa cajiibka ah, waxaana idinla wadaagi doonaa wararka ku saabsan waaya-aragnimadiisa iyo waxqabadkiisa!

Somali Industrial Expo iyo Birmaal Supplier oo iska kaashaday horumarinta ardayda! 🎓Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhaw...
20/11/2024

Somali Industrial Expo iyo Birmaal Supplier oo iska kaashaday horumarinta ardayda! 🎓
Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno in 6 arday oo barata kuliyada Injineeriyadda Makaanikada ay ku guuleysteen tartan muhiim ah. Nasiibkooda wuxuu noqday inay helaan tababar gaar ah oo ku saabsan General Industrial Information oo ay siiyey Somali Industrial Expo iyo Birmaal Supplier.
Waakan liiska magacyada ardayda guuleysatay iyo jaamacada ay dhigtaan
1.Abdirizak Abdullahi Abdi (Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed)
2. Cabdulxaliim cumar haashim (Jaamacadda ummada soomaliyeed)
3. Abdi shakur adam salah (Jamacadda umadda soomaaliyeed)
4. Abdi aziiz abdullahi warsame (Jaamacadda hormuud)
5. Yaxye Maxamed Aadan (Jaamacadda umadda soomaaliyeed)
6. Muuse omar ali hussein (Jaamacadda umadda soomaaliyeed)
Tani waa fursad weyn oo loogu talagalay inay si fiican u fahmaan warshadaha iyo sida loogu horumarin karo xirfadooda mustaqbalka!
Waxaan rajeyneynaa in tababarkaan uu noqdo mid kor u qaada aqoontooda iyo xirfadahooda, isla markaana ay ka faa'ideystaan fursadaha badan ee ka jira warshadaha dalka. 💼✨

19/11/2024

Goos Gooska Dooda 1aad ee Bandhigga Warshadaha Soomaaliyeed 2024 taasoo Cinwaanka uu yahay “Dhisidda Warshadaha Wadanka: Sidee Ayaa Ganacsiga Dhoofinta iyo Keenista Alaabooyinka ay Saameyn ugu Leeyihiin Kobaca Warshadaha Soomaaliya?”

Waxaa ka qeyb galaya:
• Dr. Maxamed Xasan Tifow – La-taliyaha Madaxweynaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha
• Eng. Xuseen Cumar – Maamulaha Shirkadaha Birmaal
• Cabdishakuur Maxamed Cali – Maareeyaha Suuq-geynta iyo Iibka ee Warshadda Caafi
• Maxamed Cabduqaadir Aweys – Agaasimaha Guud ee Siraj Paint

Ku soo biir dood muhiim ah oo lagaga hadlaayo mustaqbalka iyo kobaca warshadaha dalka waxa lasoo galin doonaa dooda 1aad oo dhameystiran maalinta barito ah inshallah.




17/11/2024

Guddoomiye ku-xigeenka Somali Chamber of Commerce & Industry غرفة التجارة والصناعة الصومالية, Mudane Abdirahman Galaambi, ayaa khudbad qiimo leh ka jeediyay xafladdii xarig-jarka Bandhigga Warshadaha Soomaaliyeed oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho. Mudane Galaambi ayaa ku boorriyay ganacsatada Soomaaliyeed in ay horumariyaan warshadaha dalka, taasoo door muhiim ah ka qaadaneysa koboca dhaqaale iyo shaqo abuurka. Bandhiggan ayaa muujinaya dadaalka joogtada ah ee lagu dhiirrigelinayo waxsoosaarka maxalliga ah iyo xoojinta iskaashiga ganacsatada Soomaaliyeed.

17/11/2024

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka Benaadir, Mudane Ciise Guure, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay xafladdii xarig-jarka Bandhigga Warshadaha Soomaaliyeed oo sanadkan markale lagu qabtay magaalada Muqdisho. Mudane Ciise Guure ayaa si weyn u bogaadiyay bandhiggan oo muddo labo sano ah xiriir ah lagu qabtay, isagoo uga mahadceliyay qabanqaabiyeyaasha dadaalkooda lagu dhiirrigelinayo waxsoosaarka maxalliga ah iyo horumarinta dhaqaalaha. Bandhiggan ayaa tusaale cad u ah kartida iyo hal-abuurka shacabka Soomaaliyeed.

17/11/2024

Hadiid Industries Group

17/11/2024

Hadal jeedinta Kofi Ali
Gud. Kuxigeenka bandhiga warshadaha ahna agaasimaha xiriirka
Bandhiga Warshadaha

17/11/2024

Warshada Saladaha Badbaado packaging factory

17/11/2024

Deputy Corporate Marketing Manager
Mr. Liban Abdullhi Hassan
United Bottling Company.

17/11/2024

Agaasimaha Guud ee warshadah kartoomada Sompack

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Industrial Expo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Somali Industrial Expo:

  • Want your business to be the top-listed Event Planning Service?

Share