deeq bulshaawi

deeq bulshaawi Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from deeq bulshaawi, Performance & Event Venue, Mogadishu.

Arday dhigta fasalka 3-aad ayaa la jiifiyay isbitaalka Moi Teaching and Referral Hospital, halkaas oo qaliin lagu sameyn...
30/03/2025

Arday dhigta fasalka 3-aad ayaa la jiifiyay isbitaalka Moi Teaching and Referral Hospital, halkaas oo qaliin lagu sameyn doono, ka dib markii eedada uu aabihiis qabo madaxa ka gelisay musumaar sabab ah inuu ukun ka cunay idin la’aan.💔
Sidee baa loo cirib tiri karaa xadgudubyada noocan oo kale ah oo carruurta lagula kaco?

30/03/2025

Hamza Abdi Barre "AS markii dalka Deynta laga Cafiyay, Dayax Gacmeed ka dirayo ayay billaabeen in ay na soo weeraraan"

30/03/2025

BISMILLAHI
Waxaan mar kale ugu hambalyeynayaa ummadda Soomaaliyeed maalintaan farxada leh ee Ciidi Al-fidriga, waxaana leeyahay ku ciida farxad iyo baraare.

Waxaan bogaadinayaa dagaalka ay ciidamada qalabsida iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan argagixisada duulanka ku soo qaaday diinta, dadka iyo dalka.

Waxaan soo dhaweynayaa gogosha wadatashi ee Madaxweyne Hassan Sheekh Maxamuud ku baaqay xalay, waa tallaabo h**e loogu qaadayo in danta, dalka iyo diintaba ay masuuliyad naga wada saaran tahay kulligeen. Waxaan rajeynayaa in ay gogoshan ka soo baxdo natiijo dalka iyo dadka faa’iido u leh.
Waxaan ugu baaqayaa Madaxda dowladda iyo saamileyda kale ee siyaasadda in fursaddaan looga faa’iideysto si daacadnimo leh, mar kastana Danta Guud laga hormariyo Danta Gaarka ah taas oo h**e u marinaysa dhammeystirka geeddi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya ee xilligan adag.

Muqdisho, Axad, 30 Maarso 2025:— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi B...
30/03/2025

Muqdisho, Axad, 30 Maarso 2025:— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kula ciiday gobolka Shabeelada hoose, Ciidamada Qaranka iyo xoogagga xaq-udirirka deegaanka ee halganka ciribtirka Khawaarijta ka wada halkaas.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey dagaalka xaqa ah ee geesiyaasha Qaranka iyo kuwa deegaanku kula jiraan cadowga, waxaana uu u ballan-qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay mar walba ku garab taagan tahay sidii loo ciribtiri lahaa Khawaarijta diinlaawe yaasha ah ee dalkeenna ku soo duushay.

"Xoogga dalka Soomaaliyeed taariikh dagaal ayuu leeyahay, baalka taariikhdana waxaa idin kugu qoran in aad tihiin Libaaxyada Afrika, dagaalka Khawaarijta aad kula jirtaan waa laba mid, in aad guul qaadato ama aad shahiido oo aad janno gasho, marna khasaaro maleh".Ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Xamsa oo la hadlayey ciidamada ku sugan furimaha dagaalka.

Booqashada Ra'iisul Wasaaruhu maanta ugu tagay geesiyaasha ayaa muujinaya sida ay Xukuumadda DanQaran uga go’an tahay xoreynta dalka iyo garab istaagga geesiyaasha difaacaya jiritaanka iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Innaa ilayhi wainaa ilayhi raajicuun  Allaha kitaabkiisa midigta hakasiiyo shiikheenii waynaa shiikh muusa cade
17/12/2024

Innaa ilayhi wainaa ilayhi raajicuun Allaha kitaabkiisa midigta hakasiiyo shiikheenii waynaa shiikh muusa cade

11/12/2024

Deg Deg” Ciidamada Jubaland oo La Wareegay Magaalada Raaskanbooni iyo Xaalada oo hada Kacsan.

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa si wadajir ah u fuliyeen howlgal lagu naafeeyay Kha...
11/12/2024

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa si wadajir ah u fuliyeen howlgal lagu naafeeyay Khawaarijta.

Howlgalka qorsheysan ayaa laga sameeyay galbeedka magaalada Xarardheere gobolka Mudug.

Goobaha sida gaarka ah looga fuliyay howlgalka waxaa ka mid ah wadada isku xirta deegaannada jowle Wadaariq, Baraag oo hoostaga degmada Xarardheere.

Taliye ku xigeenka guutada 17aad kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Cali Cageey oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in la burburiyay dhammaan goobihii ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysan jireen.

11/12/2024

Xaqiijin: Jubbaland oo la wareegtay gacan ku heynta Raas-kambooni | xagee ku dambeeyaan ciidanka DF?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdo...
11/12/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa kulan muhiim ah haatan uga socdaa xarunta Madaxtooyada Turkiga ee magaalada Ankara.

Kulankan ayaa ah hordhac loogu sii gogol-xaarayo wada-hadallo uu madaxweynaha Turkiga garwadeen ka yahay ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka kooban Wasiirro, Taliyaha Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, iyo La-taliyayaal ayaa muujinaya sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta midnimada, gobonnimada, iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

11/12/2024

Xaqiiqada saxda ah. dhaawac taliye sare . Ciidanka dowladda oo weli jooga Raaskambooni.

War Dag Dag : Kenya oo sheegtay in Boqolaal ciidamada dowladda isa soo dhiibeen. Hey’adda ka hortagta dambiyada argagixi...
11/12/2024

War Dag Dag : Kenya oo sheegtay in Boqolaal ciidamada dowladda isa soo dhiibeen.

Hey’adda ka hortagta dambiyada argagixisada Kenya ayaa soo bandhigay sawirkaan iyo sawiro kale oo ay ku sheegeen in ciidamo ka tirsan DFS isa soo dhiibeen.

Raaskambooni ayaa markale gashay gacanta ciidamada Daraawiishta Juba Land

Address

Mogadishu

Telephone

+252617948138

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when deeq bulshaawi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share