02/10/2022
GABAY=NAF LA HADAL Taar=31/7/2022
1-Dulmaneey naftaydaay wax loo diiday daba joogto
2-Dulmaneey naftaydaay markale raaxo badan doonto
3-janadiina waa doonaysaa, waaxay damacaagu
4-Cibaadadana waa diidan tahay waaxay damacaagu
5-Qudhunbaad dugsanaysaa naftaay waaxay damacaagu
6-Runta waad ka didaysaa naftaay waaxay damacaagu
7-Durujaa ayaad seexataa waaxay damacaagu
8-Dharkayn iyo sunbaad daaqaysaa waaxay damacaagu
9-Nololbaad haddana doonaysaa waaxay damacaagu
10-Dugsigaad ka carartee nafeey waaxay damacaagu
11-Dhaxanbaad haddana diidantee waaxay damacaagu
12-Dacarbaad cabaysaa naftaay,waaxay damacaagu
13-Qadhaadh baad haddana diidantahay, waaxay damacaagu
14-Malabkaad naftaay diidantee, waaxay damacaagu
15-Macaanbaad haddana doonaysaa waaxay damacaagu
16-Qudhunbaad far daraysaa naftaay waaxay damacaagu
17-Dadku waa uu kula yaabayaa waaxay damacaagu
18-Dabadeed dushaad marinaysaa waaxay damacaagu,
19-Waxaan doono waa diidaysaa waaxay damacaagu
20-Waxaad doonto waad fali kartaa waaxay damacaagu
21-Darajooyinbaan kugu tolee waaxay damacaagu
22-Adigaa dhammaan daadiyee waaxay damacaagu
23-Daasado adaa soo gurtee waaxay damacaagu
24-Sharafbaan dushaadaa ku raray duudka oogada'e
25-Waadigan danbaabidho kecee waaxay damacaagu
26-Quruxdiina waa daadisee waaxay damacaagu
27-Intaanaad dabaal galin, ulbaa lagu dayaa ceele
28-waad yara dagdagaysaa nafeey waaxay damacaagu
29-Dib ayaad usocotaa nafeey waaxay damacaagu
30-Dadaalbaan ku farayaa nafeey waaxay damacaagu
31-Adna waabad iga diidantee, waaxay damacaagu
32-Dacawaabad adhi raacsatee, waaxay damacaagu
33-Inay kaynta soo daajisaad waliba doontaaye
34-Dabaqbaad runtii saaraysaa,waaxay damacaagu
35-Doofaaradaad qalanaysaa, waaxay damacaagu
36-xalaalbaad haddana doonaysaa waaxay damacaagu
37-Dawgii jigjiga waad martee, waaxay damacaagu
38-Dekeddii berbera waad rabtaa waaxay damacaagu,
39-Shimbir duusha waad diidaysaa, waaxay damacaagu
40-Digdigbaad haddana soo tidhee waaxay damacaagu,
41-Dhako timuhu daateen misana daw cad laga jeexay
42-Adoo duuga mooye dushaa sare ma feedhmaane
43-Daf ha odhanin dariiqaa waxaa yaala dabin wayne
44-Sahanbaa ileen loo dirtaa meesha aad dagiye
45-intaad adhiga daaq gayan, ogow dooga baxay kaynta
46-Nacasbaa wixii lagu diliyo, dubuq agyaalaale
47-Nin kuu daran ha daadihin hadhaw waa ku dagayaaye
48-Fal darraato kaa dhacay nafeey daba galkii jooji
49-Dib haw dhigin bariyo saadanbaba,daa'imbaa garane
50-Daqiiqadaha aa taagantahay,bilow dadaalkaaga
51- Guushuba dalluunbay jirtaa, doqonku gaadhayne
52-Adi yaan lagaa damac badnaan,waa dagaal jira'e,
53-Qayrkaa dagaaruu tagiyo,dunida guudkeede
54-Dambas k**a kiciyo haygu noqon,meesha daran joogto,
55-Dukhsiguba dantiisuu qadhmuun,ugu dul joogaaye
56-Dayr cadawgu kuu dhigay ayuu,qabanin dookhaaga
57-Halkay dalam tidhaahdaba kasoo saaro danahaaga
58-Dadkoo baahan kaligaa,aduu dharaga haw daacin
59-Dar ilaahay ugu qabo miskiin,kaa dalbaday kaalmo
60-Yaan shacabku kaa di'din, sidii nacabka soo duulay
61-Dulin iyo dhibiijiyo ha noqon, dacar qadhaadhaata
62-Damal la hadhsanaayiyo ahw,sida daruur hoortay,
63-Nin kuu digay kumuu dilin ayay, duqi tidhaahdaaye
64-Ninka diin ku farayaa, waxbuu kaaga digayaaye
64-Hadhow waxa dambeeyuu ogyee,maqal dabuubtiisa
65-Haddii aad dambaabtood, xumaan diiday odhan waydo
66-Dab inaad ku dhici buu ogyee,maqal dabuubtiisa,
67-Wax kastoo calooshaa ku daga,hayska dalaq siinin
68-Ha daldalin sidii xoolihii hayska wada daaqin
69-Damiirkaagu yuu noqon, sidii bahalahaa duula,
70-Dadka sida dhibiijada ha cunin,Dulinka noociisa
71-Dowga saxani waakaa, dariiq lagu hanuunaayo