07/11/2025
HABEENKA DAMBARSAMAHA
Caawa oo jimce ah ,dabshidka oo ah Sano-Arbacaadna uu marayo 117, bisha 2aad ee Bilo-Sammanna tahay 15 ,dayuxuna fadhiyo godka Urur/Laxo ,oo ka tirsan Rugta/Moorada Naylka , waa habeenka ku astaysan soomaalida dhexdeeda Danbarsamaha.
Wuxuuna habeenkaasi ku aaddan yahay marka dayaxa oo 14 ama 15 ah uu ururta la fariisto.
Berri subax ayaana idaha summalka xammilka looga furi jiray ,lagu xiray habeenka Kala-guurka/Dabshidka/Nayruuska/Dab-tuurka, si ay u dhalaan bilowga Seermaweydo/Fushade/Canbaar/Ceelka-geeye ,oo ku beegan shan bilood ka dib ama 150 cisho .
Sidaan ognahay iduhu waa nugul ,oo waxay u baahanyihiin in aysan dhalin xilli abaara , si aysan u harin.
Waxaa isna soo baxay sitimaankaan dhexdiisa aroortii Xiddigga Ximir/Xoommir ,oo ah xiddiga lagu astaamaysan jiray habeenkaan , magaca bishaanna wata.
Dhanka dabshidka markaan ka eegno wuxuu habeenkaani ku aaddanyahay 130 marka uu dabshidku marayo ,oo ku aaddan 13 cisho ka dib .
Waxaana maqribkii soo baxayo Lax-marka/Laxa-korka /Cadaadka /Galgaalka, oo Mar la yiri Xoommirku waa isaga.
Ururtuna markaas dabada idaha ayay la simantahay ,oo waa tay odayadu oranjireen , “summalka idaha waxaa lagu daraa marka ururtu idaha baridooda la simantahay”
WQ: Cirday