09/04/2024
Waxaan rabaa in aan u mahadceliyo cayaartoydii qiimaha badnayd ee magaca Udug flowers soo gaarsiiyay cayaartii k**a dambeysta ahayd ee koobkii ganacsatada Kulmis iyo macallimiintooda.
Waxaad magaca Udug u hurteen dedaal midkii ugu sarreeyay, waxaadna soo bandhigteen kubbad quruxdeeda leh. Ma aqaanno si aan idin kugu mahadceliyo.
Waxaan sidoo kale u mahadcelinaa guddigii tartanka, maamulka Kulmis, Astaan TV iyo Gacal Polyclinic oo dhammaantood iska kaashaday qurxinta tartanka.
Waxaan u hambalyeynaa kooxda guulaysatay ee Al Leylah. Dhammaan taageerayaashii na garab taagnaa iyo macallimiintii waqtigooda noo huray waxaan leeyahay kun jeer mahadsanidiin.
Eid mubarak❤️