Masaf Spaces

Masaf Spaces Masaf Spaces is a nonprofit organization dedicated to empowering youth through innovation and entrepreneurship.
(1)

Ciid Mubaarak!Waxa aan idiin rajaynaynaa inaad farxad iyo caafimaad ku ciiddaan.
05/06/2025

Ciid Mubaarak!

Waxa aan idiin rajaynaynaa inaad farxad iyo caafimaad ku ciiddaan.

Xubno matalayey Masaf Spaces ayaa saaka Magaalada Addis Ababa kulan muhiim ah kula yeeshay xubno ka socdey Midowga Yurub...
22/05/2025

Xubno matalayey Masaf Spaces ayaa saaka Magaalada Addis Ababa kulan muhiim ah kula yeeshay xubno ka socdey Midowga Yurub, xafiiska ergayga Midowga yurub ku leeyahay magaalada Addis Ababa.

Kulankan oo ay Masaf ku matalayeen Agaasimaha Masaf; Ahmed Taman iyo Madaxa programada Masaf; Ridwan Abdirizak ayaa diiradda lagu saarey, habka midowga Yurub u taageeri karo dadaalada dhallinyarada, dumarka iyo hal-abuurka dhallinyarada iyo sida ha’ayadaha arrimahan ka shaqeeya loo xoojin karo iyo si ay u fulin karaan barmaamijyo waxtar u leh dhallinyarada.

Waxaa sidoo kale lagaga hadley sida Masaf Spaces ay u kobcin karto barnaamijyada waxtarka leh, una noqon karaan kuwo midho dhala oo waara iyo sida mustaqbalka ay isu ballaadhin karto.

kulanka waxa uu marag u yahay dadaallada ay Ha’ayadda Masaf ugu jirto in ay xidhiidh kula samayso daneenayaasha arrimaha dhallinyarada iyo deeqbixiyaasha maalgalinaya arrimaha ay ka shaqayso Masaf spaces.

🌍 Masaf Spaces oo ka qayb gashay Shirweynaha 20aad ee ILO ee Afrika 🌍Waxa aannu ku faraxsannahay in Agaasimaha Masaf Spa...
20/05/2025

🌍 Masaf Spaces oo ka qayb gashay Shirweynaha 20aad ee ILO ee Afrika 🌍

Waxa aannu ku faraxsannahay in Agaasimaha Masaf Spaces uu ka qaybgalay Shirweynaha 20aad ee Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO) oo loogu talagalay xirfadlayaasha ka shaqeeya mashaariicda la xidhiidha shaqo-abuur, kaas muddo shan bari ah, 19–23 May 2025 ka socon doonta xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa.

Shirkan heerka sare ah waxaa isugu yimid; khubaro, madax dowladeed, iyo hay’adaha horumarinta ee Afrika iyo meelo kalaba ka hawl gala.

Qodobada muhiimka ah ee si gaar ah u la xidhiiidha shaqada Masaf Spaces waxaa ka mid ah:

✅ Shaqo-abuurka, oo loo marayo maalgashi ay dhallinyaradu udub dhexaad yihiin
✅ Taageeridda nidaamka hal-abuurka iyo ganacsiga
✅ Dhiirrigelinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo haweenka
✅ Dhisidda bulshooyin adkaysi leh oo waara.

Masaf Spaces waxay aamminsan tahay in kobcinta xirfadaha, helidda agabka, iyo in fursado loo abuuro dhallinyarada iyo haweenka ay tahay furaha horumarka gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Ka qaybgalka shirkan waxa uu sii xoojinayaa go’aankayaga ah inaan gacan ka geysanno gaadhidda horumar waara iyo shaqo-abuur loo siman yahay.

Waxa aan rajaynaynaa in casharrada iyo fikirrada cusub ee aan ka helno shirkan aan ugu adeegno si wax-ku-ool ah bulshada aan u shaqeyno ee Gobolka Soomaalida iyo meelaha kale ee Afrika.

Dhammaan shaqsiyaadkii codsadey xubinnimada Masaf Space-Jigjiga, waxa aan ka codsanaynaa in ay hubiyaan oo ay fiiriyaan ...
07/05/2025

Dhammaan shaqsiyaadkii codsadey xubinnimada Masaf Space-Jigjiga, waxa aan ka codsanaynaa in ay hubiyaan oo ay fiiriyaan E-mailada ay ku soo codsateen!

Qofka aynan soo gaadhin farriin ee soo xaraystey xubinimada fadlan ha yimaaddo goobta; xarunta masaf, maalmaha 8-May iyo 9-ka saacada 9:00 subaxnimo illaa 11:00 PM.

Wixii faahfaahin la xidhiidh:
whatsapp: 094 141 7543
Email: [email protected]

Mahadsanidin.

Masaf spaces, waxay bilowdey koorso muddo kooban socon doonna, oo ay haweenku ku baranayaan xirfada Chrochet ka- qaybta ...
04/05/2025

Masaf spaces, waxay bilowdey koorso muddo kooban socon doonna, oo ay haweenku ku baranayaan xirfada Chrochet ka- qaybta aasaasiyaadka, oo lagu bari doonno sidey gacmahooda ugu samayn karaan agabyo, dhar iyagoo isticmaalaya dun iyo farsmooyinka ay ka helayaan koorsadan.

Ujeedku waa in dhallinyarada la hormariyo curintooda, hibooyinka iyo xirfadahooda kuwaa ugu danbayn u noqonaya damaanada kaliya ee mustaqbalkooda.

Bisha May, koorso iyo xirfad cusub.Masaf Spaces, iyada oo ka duulaysa ballaadhinta hal-abuurka dhaqaaleha deegaanka, ka ...
03/05/2025

Bisha May, koorso iyo xirfad cusub.

Masaf Spaces, iyada oo ka duulaysa ballaadhinta hal-abuurka dhaqaaleha deegaanka, ka qayb qaadashada faafinta xirfadaha, iyo awoodsiinta dumarka, si ay dhallinyaradu u gaadhaan isku filnaansho, waxa ay billowday maanta bixinta koorso gaaban oo lagu baranayo xirfadda “Crochet” ga, oo ah farshaxan gacmeed lagu sameeyo dunta, iyada oo la adeegsanayo irbad, si loo abuuro naqshado kala duwan, oo laga sameeyo waxyaabo kala duwan oo kammid yihiin: funaanado, bustayaal, koofiyado, shalmado, iyo gogolaba.

Waa markii ugu horraysay ee xirfaddaa lagu baranayo deegaanka. Waxa ay socon doontaa muddo kooban, waxa aannuna rajaynayna in ay ka soo baxaan xirfadlayaal buuxin doona baahidii suuqa, oo shaqo abuur dhallinyaro badan u samayn doona.

✂️🧶✨

Masaf Spaces, waxa ay qaadanaysaa xubno cusub.Iyada oo aan fiirinayno ujeeddooyinka aan u taagannahay ee ah taageeridda ...
02/05/2025

Masaf Spaces, waxa ay qaadanaysaa xubno cusub.

Iyada oo aan fiirinayno ujeeddooyinka aan u taagannahay ee ah taageeridda hal-abuurka ganacsiyada soo koroya, waxaa aan qaadanaynaa xubno cusub oo kooban oo kammid noqonaya xubnaha joogtada ah ee ka faa’iidaysta xarunta Masaf Spaces ee Jigjiga.

Wax Lacag ah loogama baahna qofka, balse waa inuu buuxiyo shuruudaha hoos ku xusan, oo ay ugu muhiimsantahay inuu leeyahay fikrad ganacsi, heerka ay dooni ha joogtee, sidoo kalana ay ka go’antahay inuu hirgaliyo, diyaar na u yahay inuu qaato: tababarro, hagid iyo talabixino iyo tusaalayn, si uu u hirgaliyo aragtidaa ganacsi.

Foomka Linkiga hoose ha iska diwaangaliyo- diwaangalintu waxay socon doontaa 2-5 Bishan.

https://docs.google.com/forms/d/1rdyFfKjw2lllRpLjlj-DDVt02j7N7Nci6loAgquG3Ik/viewform?edit_requested=true

Wixii faah faahin ah nagala soo xidhiidh.
Email: [email protected]
Phone: +251 94 141 094 141 7543
Location: Aayardega Street, Jigjiga

Hambalyo, shaqaalaha iyo xoogsatada deegaanka. Maanta oo kale waxaa dunida oo dhan lagaa xusaa sannad walba maalinta sha...
01/05/2025

Hambalyo, shaqaalaha iyo xoogsatada deegaanka.

Maanta oo kale waxaa dunida oo dhan lagaa xusaa sannad walba maalinta shaqaalaha adduunka, oo loo asteeyay in lagu maamuuso kaalintooda bulsheed iyo in loo aqoonsado dhabar adaygooda.

Masaf, ahaan, waxa aan ka shaqaynaa in shaqo abuur iyo isku filnaasho uu xaq u leeyahay qof waliba la gaadho, oo shaqo la’aantu yaraato.

Bahda Masaf, iyo dhammaan shaqaalaha dunida, si gaar ah kuwa deegaanka, bogaadin ayaan leenahay.

Congratulations to our Executive Director, Mr. Ahmed Taman Hasan, on being awarded the “Best Emerging Young Leader of th...
26/04/2025

Congratulations to our Executive Director, Mr. Ahmed Taman Hasan, on being awarded the “Best Emerging Young Leader of the Year, SRS” at the CAYO Awards 2024!
We are incredibly proud to see his vision, leadership, and dedication to youth empowerment recognized at such a high level. This achievement reflects the spirit and values we uphold every day.
Wishing him continued success in inspiring and leading positive change!

Hambalyo ayaan leenahay Executive Director kannaga, Mr. Ahmed Taman, oo Cayo Awards 2024, ay ku guddoonsiiyay abaal marinta "Qofkii ugu firfircoonaa hoggaaminta dhallinyarada ee sannadka: DDS"

Aad baad ugu faraxsannahay in aragtidiisa iyo hoggaamintiisa la aqoonsado oo lagu abaal mariyo.

Kal h**e, manta oo kale, 25 kii bishii April, ayay Masaf Spaces daah furtay xaruntii kowaad ee goob hal-abuur ee ugu h**...
25/04/2025

Kal h**e, manta oo kale, 25 kii bishii April, ayay Masaf Spaces daah furtay xaruntii kowaad ee goob hal-abuur ee ugu h**eysay dawlad deegaanka soomalida gaar ahaan magaalada Jigjiga. Caawa waxaan u dabadaal dagaynaa in aan jirsanay gu’ ku suntan curin, barbaarinta aragtiyaha, taageerada hal-abuurada ganacsiyada, xoojinta dhallinyarada iyo awood siinta kaalainta dumarka.

Waxa aan u mahadcelinaynaa cid walba oo aan wada shaqaynay, iyo cid walba oo ka qeyb qaadatay safarkaas, waxa aannuna diyaar u nahay in aan kobcinno oo aan kor u qaadno waaxda creative economy ga deegaanka soomaalida, iyo in aan wuxuun ku celinno bulshada deegaanka.

Sanad guuro wacan!

Waxa aan ku faraxaannahay in aan shaacinno in Website keennii oo muddo dib u habayn ay ku socotay uu ugu danbayn soo bax...
03/04/2025

Waxa aan ku faraxaannahay in aan shaacinno in Website keennii oo muddo dib u habayn ay ku socotay uu ugu danbayn soo baxay.

Qayb ka noqo, tabinta sheekada, kobcinta dhallinyarada, iyo kor u qaadista Hal abuurka ganacsiga iyo dhaqalaha deegaanka oo ku xidhnow Website keenna.

Waxa aan ku hanwaynnahay in qoraallo joogto ah oo la xidhiidha hal abuurka ganacsiga, dhallinyarada, dumarka, xirfadaha, shaqo ahuurka iyo guud ahaan dhaqaalaha deegaanka aan ku baahin doonno, si lammid ah sheekooyinka waxqabadkeenna ee la xidhiidha dooraarkaa.
Www.masaf.co

Saaka, waxaa xarunta Masaf Spaces, nagu soo booqdey Mudane Cherinet oo ah korjoogaha joogtada ah ee IGAD u jooga qaramma...
01/04/2025

Saaka, waxaa xarunta Masaf Spaces, nagu soo booqdey Mudane Cherinet oo ah korjoogaha joogtada ah ee IGAD u jooga qarammada Midoobey.

Cherinet, waa hormuud dhallinyaro, oo u ololeeya arrimaha dhallinyarada, waxbarashada iyo qaxootiga, kana soo shaqeeyey ha’ayadaha caalamiga sida qarammada midoobey.

Kulankan, waxaa lagu lafa gurey sida ha’ayadaha ay hoggaamiyaan dhallinyaradu ee ka shaqeeya arrimaha dhallinyarada loo hormarin karo, si shaqooyinka ay hayaan ay dad badan u gaadhaan.

Waxaan la wadaaagney dadaallada ha’ayadda Masaf ay waddoo ee la xidhiidha arrimaha kobcinta xirfadaha dhallinyarada, awoodsiinta ganacsiyada yaryar iyo dhiirrigalinta xirfadaha iyo curinta iyo yoolka fog ee ay Masaf ku hiigsanayso in ay meelo badan ku gaadho.

Waxaana lagu soo afmeerey in codka dhallinyarada uu cherinet ku matalo goloyaasha dunida uu gaadhsiinyo dadaalada iyo shaqooyinka waxtarka u leh ee ay wadaan xarumaha dhallinyaradu ay wadaan ee Masaf oo kale iyo sidii loo taageeri lahaa, loona hormarin lahaa!

Ha samaato, ha la helo!

Address

Somali Region
Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Masaf Spaces posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Masaf Spaces:

Share