06/02/2026
Waxa aan idinka raalli galinaynaa in tirada aan ugu talagalnay in ay qaadato tababarka iyo tirada dadka soo codsaday ee isa soo diwaangaliyay ay aad u kala sarreeyeen. Sidaa darteed na aan u kordhinnay tiradii aan qaadanaynay tababarka. Waxa aan shaacinnay 25 qof, laakiin 170 qof ayaa isa soo diwaangaliyay, waxa aan go’aansannay in 60 ka qof ee ugu horraysay aan qaadanno.
Qof walba oo Email kiisa farriin soo gaadho, waxa aan rajaynaynaa in aad wakhtiga soo ilaaliso, waa Axadda 3:00 galabnimo, maadama ay jiraan dad badan oo nasiib u heli waayay.
Qof kasta oo aan farriin soo gaadhin, waannu ka xunnahay in aadan fursaddan helin, kuwa danbe ayaa laguu tix galin doonaa.
Masaf, waxa ay qabanaysaa tabobar gaaban oo ku saabsan qorshaynta nolosha (Goal Setting) oo ay bixinayso Eng. Fadumo Yusuf Darbi
Kuraastu waa xadidan tahay. 25 qof oo kaliya ayaa la qaadanayaa. Fadlan iska diiwaangeli link-ga hoose si aad u xaqiijiso ka-qaybgalkaaga.
https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSf3m6dByhPNSf5pPfvPujhpnLzzovj7Thhi5JitNczGFNf6pw/viewform?usp=header
Taariikhda: 8 February 2026
Goobta: Masaf Spaces